Khasaaraha Qaraxii ka dhacey magaalada Muqdisho oo Kordhay

Image

Siddeed ruux oo Soomaali ah, ayaa la sheegay inay dhinteen 21 kalena ay dhaawacmeen, oo 9 ka mid ahna ay yihiin ciidamada ilaalada gaarka ah ee Q.M  Soomaaliya, kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya caawa.

Dadka dhintay, ayaa laba ka mid ah waxa la xaqiijiyay inay ahaayen rayid, halka inta kalena ay askar ahaayeen. Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa askar iyo rayidba ay isugu jira.​

Saraakiil ka tirsan cisbitaalka Madiina, ayaa sheegay in loo keenay dhaawac ahaan isbitaalka illaa iyo 23 ruux, oo labo ka mid ahina ay goobta ku dhinteen. Dhaawacyada, ayaa qaarkood darran, sida ay saraakiishu sheegayaan.

Qaraxa oo xooggana darti, ayay dad salaaddii Maqrib ku dukanayay masjid u dhow madaxtooyada ku dhaawacmay.

Weerarka, ayaa dhacay xilli ay wafuuddii shirka qaarkood ay madaxtooyada ka soo baxayeen, halka kuwa kalena ay halkaasi galayeen.

Gaari uu lahaa wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa waxyeello ka soo gaartay weerarka, waxana la sheegaya in qaar kamid ah ilaaladiisa oo Soomaali ahaa ay dhaawacmeen.

Ma cadda in weerarku uu bartilmaameedkiisu ahaa Nicholas Kay, hasa yeeshee wararka qaar waxay sheegayaan in markii uu weerarka dhacayay uu Kay ku sugnaa xarrunta madaxtooyada, uuna dhacay qaraxa xilli uu doonayay in uu madaxtooyada ka baxo.

Dhacadaani, ayaa waxay imaaanaysaa iyadoo maanta Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirkii wadatashiga ee doorashada xigta dalka Soomaaliya.

Kooxda al-Shabaab, ayaa weerarkani sheegatay.

Xigasho: VOA

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM