Khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay Caabudwaaq

Image

08 September, 2015(GO)-Wasiirka Ganacsiga maamulka Galmudug ayaa lagu weeraray guri uu kaga sugnaa magalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee weerarka, balse wararka soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya in ugu yaraan ay ku dhinteen Saddex ruux halka ay  ku dhaawacmeen illaa 7 qof.

Arrintan ayaa timi ka dib markii uu xalay magalada Caabudwaaq tagay wasiirka Ganacsiga Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame.

Xaaladda Caabudwaaq ayaa haatan dagan waxaana ammaanka magalada gacanta ku haya ciidamo ka amar qaata maamulka Ahlusunna sida uu sheegay Maxamuud Warsame oo sheegtay inuu yahay madaxweyne ku xigeenka mamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Dhanka kale Wasiirka Ganacsiga Galmudug ayaa isna sheegay in amniga magalada gacanta ku hayaan odoyaasha dhaqanka degmadaasi.

Weerarka wasiirka Ganacsiga Galmudug ayaa yimi ka dib markii maamulka Galmudug uu bishii la soo dhaafay xabsiga u taxaabay madaxweyne ku xigeenka Ahlusunna, waxaa labada dhinac u dhaxaysa xasarad siyaasadeed oo ku aaddan dhismaha maamulka gobolada dhexe oo Ahlusunna sheegayso inaysan aqoonsanayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM