​Khasaaro ka dhashay ciidamo ku dagaallamay Cadaado

Image

Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay shaqaaqo maanta ka dhacday xarunta KMG ah maamulka Galmudug ee Cadaado, waxaana ku dhex dagaallamay labo ciidan.

Inta la ogyahay saddex qof ayaa dhimatay, shan kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Iska hor-imaadka ayaa dhacay xilli mushahar loo qaybinayay ciidamo katirsan guutada 21-aad ee ku sugan degmadaasi, waxaana la sheegay inay weerar kusoo qaadeen ciidamo kale oo katirsan maamulka Galmudug.

Lama oga sababta rasmiga ah ee shaqaaqadaasi dhalisay, balse waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada katirsan Galmudug muddooyinkii dambe ka cabanayeen mushahar la'aan taasina keentay inay weerar ku qaaday xarunta lacagta lagu siinayay Milletiriga Soomaaliya.

Saraakiil katirsan labada dhinac ayaa ciidamada kala dhex gashay, waxaana xaaladda magaaladu kusoo noqotay sidii hore ee cadiga ahayd, inkastoo saacadihii shaqaaqadu taagnayd ay isu socodku yaraa.

Waan waan lagu dajinayo xiisaddaasi, ayaa kasocota magaalada Cadaado oo dhawr jeer sidaan oo kale uga dhaceen rabshado u dhaxeeyo ciidamo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM