Khatar ka jirta xaalada afar wariye oo ku xiran Muqdisho

Image

Axad, September 28,2014 [ GO]- Waxaa laga soo dayrinayaa xaalada caafimaad ee afar wariye oo ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho muddo labo bilood ah , kuwaas oo wararku sheegayaan inay ka soomeen guud ahaanba cuntadii kadib markii jirdil iyo ciqaab koronto lagu dhajinayo gudaha xabsiga loogu geystey.

Agaasimaha Idaacadda Shabelle Maxamed Muuse ayaa u sheegey Garowe Online inaan wax maxkamad ah lasoo taagin wariyaasha mudadii ay xirnaayeen islamarkaana xaaladooda caafimaad halis ku jirto.

Suxufiyiinta ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa kala ah Maxamuud Maxamed Maahir (Carab) Agaasimaha Idaacadda SKY FM , Cabdimaalik Yuusuf Mulkiilaha Shabelle, Maxamed Bashiir oo ka tirsan Shabelle ahna wakiil wareedka Radio Garowe ee Muqdisho , Axmed Cabdi Xasan oo isna ah suxufi ka howl-gala Shabelle 

Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ay kasoo saartey Dowladda Federaalku xariga wariyaashan iyo sababta ka danbeysa xilli muddo dheer ay ku jiraan xabsiga welina aan maxkamad lasoo taagin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM