Khilaaf ka dhex-taagan wasaarada batroolka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Khilaaf ayaa lagu waramay in uu ka dhex-taagan yahay Waaxdda Batroolka xukuumadda federaalka Soomaaliya kaas oo ka dhashay talaabo uu qaadey Cabdirashiid Axmed Maxamed, wasiirka wasaaradaas.

Sidda ay sheegayaan warbixinadda, is-qabqabsiga ayaa salka ku haya lix mas'uul oo wasaaradda kamid ahaa kuwaas oo uu si wadar u eryay wasiirka.

Mas'uuliyiinta la eryay ayaa la sheegay in lagu kala magacaabo; Jamaal Qaasim Mursal, oo ahaa xoghayihii joogtada wasaaradda batroolka, Karar Shukri Doomey, oo ahaa agaasimaha guud ee Wasaarada Batroolka, Dr Cabdullaahi Xayday, oo ahaa madaxa nidaaminta wasaaradda, Cabdiqaadir Abiikar, oo ahaa madaxa farsamadda wasaaradda, Abukaate Tahiil, madaxa waaxda sharciyadda wasaaradda iyo Ibraahim Cali Xuseen, oo ahaa agaasimaha hay'adda batroolka.

"Wasiirka iyo mas'uuliyiintan la ruqseeyay waxay isku qabteen arrimaha maaliyadda hay'adda iyo cidda soo galeysa heshiisyadda bixinta ruqsadaha baarista, sahminta iyo soo saarida shidaalka," ayuu yiri mas'uul xog ogaal ah.

Mas'uulkan magaciisa uga gaabsaday sababo ku aadan in aan loo ogoleyn in uu warbaahinta la hadlo ayaa tibaaxay in hay'adda ay u madax-banaaneyd qabashada shaqadan balse wasiirka uu faragelin ku hayey sanadihii dambe.

Guddiga kheyraadka Golaha Shacabka oo la sheegay in ay ka shireen qadiyaddan ka gedaal markii Cismaan ka hor-yimid xil ka qaadis lagu sameeyay ayaa la filayaa in ay la kulmaan wasiir Cabdirashiid si xal loogu helo is-faham-waaga taagan.

Wararka ayaa sheegaya in Cismaan lagu bedelo shaqsi lagu magacaabo Cabdinaasir iyo in madaxweyne Farmaajo uu saxiixay isbedelka ku aadan in hay'adda batroolka aysan maamulin maaliyadeeda iyo heshiisyada shidaalka.

Farmaajo oo musharax madaxweyne ah doorashooyinka 2020-21 ee wali aan lagu heshiin ayaa, sidda ay xubnaha la tartamaya sheegeen, wuxuu doonayaa in uu galo heshiisyo shidaal qarsoodi ah si dhaqaalaha kasoo baxo olole ugu galo.

Heshiisyadda waqtigan la galayo ayaa burburin kara dedaaladda Soomaaliya ugu jirto in laga cafiyo deynta faraha badan ee caalamka looga leeyahay, waxaana Baanka Aduunka uu Madaxtooyada Soomaaliya uga digay in ay gasho heshiisyadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM