Somaliland: Khilaafka xisbiga Kulmiye oo sii balaaranaya

Image

08 November, 2015(GO)-Saddex murashax ee jagada madaxweynaha ugu tartamayay xisbiga talada haya ee Kulmiye ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay qaadacayaan shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee Talaadada ka furmaya Hargeysa.

Shirkaas oo lagu wado in uu xisbiga Kulmiye ku dooran doono musharaxa rasmi ah ee xisbiga ugu tartamaya doorashada madaxtinimada.

Maxamed Biixi Yoonis , Cabdilcasiis Maxamed samaale iyo Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa shir jaraa'id oo ay wada jir u qabteen waxay ku sheegeen in shirka kulmiye u afduubanyahay murashax kali ah oo aan tartan xalaal ahi ka dhex jirin shirka xisbiga la qabanayo ee talaadada.

Madaxweyne Axmed Mohamed Maxamud Silaano ayaa hore u magacaabay gudi dhexdhexaad ah oo baara muran la xiriira liiska xubnaha golaha dhexe oo ah kan dooranaya musharaxa xibiga ee rasmiga.

Gudigaa ayaa shalay waxay soo saareen in aysan wax khalad ah ku arag liiska xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye

Xigasho: BBC

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM