Kismaayo: Al-shabaab oo duqeysey saldhigga ciidamada Kenya

Image

August 11, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka madaafiic ku duqeysey saldhig ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ku leeyihiin nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Duqeynta oo socotey qadar daqiiqado ah waxaa ku xigey dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada AMISOM iyo mileeshiyaad ka tisan Al-shabaab.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay labadan weeran, mana jiro wax war ah oo arrintaas ku saabsan oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka maamulka Jubaland iyo taliska ciidamada AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM