Barlamanka JL oo la caleemo saarey, wasiiro gaarey Kismayo

Image
Image
Image
Image

May 7, 2015 (GO)- Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhaceysa xaflad lagu caleema saarayo barlamanka Jubaland ee dhowaanta lasoo dhisey.

Wufuud tiro badan oo ka socoda Dowladda Federaalka, dowladaha qaybta ka ah federaalka, wadamada deriska, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa 24tii saac ee ugu dambeeyey magaalada Kismaayo soo gaarey.

Mas'uuliyiinta xilligan Kismaayo ku sugan waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamino Cabdullaahi iyo danjiraha IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Sidoo kale waxaa Kismaayo ku sugan wafdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabullaahi Camey.

Ammaanka Kismaayo si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee magaalada dhex mara.

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadley furitaanka xaflada caleemo saarka ayaa sheegey in wado adag loo soo marey hirgalinta barlamanka, isagoo sheegey in mamaulkiisa hadda marayo inuu dhameystiro dhameystirka sadexdii hay'adood ee mamaulka ka dhisamyey.

Madaxweeynaha Soomaaliya oo khudbad kua soo jeediyey gabagabdii xafladaan ayaa ugu hambalyeeyay maamulka Jubbaland Baarlamanka cusub ee uu yeeshay, isagoo xusay in haddiii la dhisay aysan macaneheeda ahayn in maamulkii howlihiisii ay u dhamaatay balse la doonayo buu yiri in la qanciyo cid walba oo wax tabaneysa.

Dhinaca kale Ugaas Xasan Cabdi oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed oo la hadley saxaafada ayaa beesha caalamka ka codsadey in aysan aqaoonsan Barlamanka Jubaland madaama ana cadaalad loo qaybin.

Wasiirka warfaafinta mamaulka Koonfur Galbeed ayaa sheegey in dhismaha Barlamanka aan loo marin wado sharci ah waa sida uu hadalka u dhigaye isagoo beesha caalamka ka codsadey faragalin.

Dhisamaha Barlamanka Jubaland iyo xaflada caleemo saarka ayaa imaaneysa xilli qaar tirsan dadka degan degaanka Jubaland aysan ku qanacsaneyn qaabka loo xuley xildhibaanada iyo habqaybsiga sida beelahaan u kala dagan yihiin degmooyinka maamulkan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM