Kismaayo: ciidamada Burundi oo qarax lala beegsaday

Image

Sept 20, 2014 (Garowe Online)- Qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland oo weli shirkii dib u heshiisiintu uu ka socdo.

Kolonyo ay wateen ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM ayaa qaraxa lala beegsaday xilli ay marayeen xaafadda Via Af-madow.

Qaraxa oo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ahayd, wuxuu ka dhacay xaafadda Via-Afmadow, waxay waxyeelo kasoo gaartey dad rayid ah oo goobta ka agdhowaa.

Ugu yaraan lix qof oo dhaawac ah ayaa la gaarsiiyey isbitaalka weyn ee Kismaayo. Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira qaar ay xaaladoodu halis tahay.

Dhanka kale, ma cadda khasaaraha qaraxaas kasoo gaaray ciidamadii lala beegsaday mana jirto cid ilaa iyo hadda mas'uuliyaddiisa sheegatay balse saraakiisha ammaanka ee Jubbaland ayaa ku eedeeyey Ururka Al-shabaab.

Booliska ayaa daqiiqado kaddib goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray, waxayna ka sameeyeen baaritaan muddo kooban socday, inkastoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn in hawgalkaas dad lagu soo qabqabtay iyo in kale.

Asbuuc kahor ayey ahayd markii ciidamada ammaanku magaalada Kismaayo ku qabteen labo nin oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, kuwaas oo watey hub isugu jirey baaskoolado iyo miinooyinka dhulka lagu aaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM