Kismaayo: ciidamo ka wada tirsan kuwa Jubaland oo dagaalamay

Image

July 12, 2015 (GO)- Ugu yaraan saddex askari ayaa ku geeriyoodey afar kalena way ku dhaacacmeen iska-hor-imaad maanta magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan kuwa ammaanka ee Jubaland.

Dagaalka ayaa bilowdey kadib markii askar kamid ah kuwa ilaaliya xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku taal xaafadda Calanley ay qori ka qaadeen askari kale oo ka tirsan nabad-sugidda.

Intaas kadib waxaa xarunta Wasaaradda weerar kusoo qaadey ciidamo aad u hubeysan oo la sheegy inay ka tirsan yihiin nabad-sugidda Jubaland, dagaal culus ayaana bilowdey.

Rasaasta ayaa weli la maqlayaa, haseyeeshee saraakiil iyo odayaal dhaqameed ayaa ku hawlan sidii labada ciidan loo kala dhex geli lahaa.

Ma ahan markii ugu horreysey ee ciidamo ka wada tirsan kuwa Jubaland magaalada Kismaayo dhexdeeda ku dagaallammaan, waxayna arrintani kusoo aadeysaa xilli Madaxweynaha Jubaland maalintii labaad booqasho ku joogo magaalo-madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM