Kismaayo: doorashada madaxweynaha Jubaland oo saaka dhaceysa

Image

August 15, 2015 (GO)- Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa maanta oo Sabti ah ka dhici doonta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Afar murashax ayaa ku tartami doona doorashada kuwaasoo ay magacyadoodu kala yihiin:

  1. Axmed Maxamed Islaam (Axned Mdoobe).
  2. Hilowle Aadan Maxamed.
  3. Maxamed Cismaan Yuusuf.
  4. Cusmaan Xuseen Xaaji (Feyruus).

Qaabka doorashadu u dhacayso waa qarsoodi, waxaana madaxweynaha cusub dooran doona baarlammaanka dhowaanta lasoo xulay ee Jubaland, kuwaas oo tiradoodu tahay 75 xildhibaan. 

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee Axmed Madoobe ayaa loo badinayaa inuu doorashada ku guuleysan doono. Dhanka kale, ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana socda diyaar garow xooggan oo ku aadan doorashada. Garowe Online ayaa si toos ah idiinku soo gudbin doonta wararka ku saabsan doorshada... 


GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM