Kismaayo: doorashada madaxweynaha Jubaland oo saaka dhaceysa

Image

August 15, 2015 (GO)- Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa maanta oo Sabti ah ka dhici doonta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Afar murashax ayaa ku tartami doona doorashada kuwaasoo ay magacyadoodu kala yihiin:

  1. Axmed Maxamed Islaam (Axned Mdoobe).
  2. Hilowle Aadan Maxamed.
  3. Maxamed Cismaan Yuusuf.
  4. Cusmaan Xuseen Xaaji (Feyruus).

Qaabka doorashadu u dhacayso waa qarsoodi, waxaana madaxweynaha cusub dooran doona baarlammaanka dhowaanta lasoo xulay ee Jubaland, kuwaas oo tiradoodu tahay 75 xildhibaan. 

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee Axmed Madoobe ayaa loo badinayaa inuu doorashada ku guuleysan doono. Dhanka kale, ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana socda diyaar garow xooggan oo ku aadan doorashada. Garowe Online ayaa si toos ah idiinku soo gudbin doonta wararka ku saabsan doorshada... 


GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM