​Kismaayo: Qarax la fashiliyay

Image

KISMAYO- Ciidamada ammaanka magalada Kismayo, ayaa maanta ku guulaystay inay fashiliyaan weerar la damacsanaa in lagu qaado goob dad shacab ah adeegsadaan, kadib markii lagu aasay Miino.

Wararka ayaa sheegay in qaraxaasi si nabad ah goobta looga saaray, waxaana saraakiisha amniga Jubbaland ku warameen inay heleen xog sheegay arrintaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad shacab ah.

Majirto cid loo soo qabtay falkaasi oo loo malaynayo inay ka dambeeyaan, balse waxaa lagu tumhay inay ka dambeeyeen mallayshiyada kooxda Shabaab ee Somalia.

Maamulka Jubbaland ayaa horay u shaaciyay inuu adkeeyay ammaanka goobaha muhiimka ah ee la isugu yimaado magalada Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM