Kismaayo: shan askari oo galabta shil gaari ku geeriyoodey

Image

                                                                                                                                                                                November 15, 2014 (GO)- Gaari nooca dagaalka ah oo ciidamada Maamulka Jubaland leeyihiin  oo ka soo ambabaxay tuulada Buulla Gaduud ayaa galabta ku rogmaday dalcada Lug-loow oo Kismaayo u jirto 18 Km dhanka waqooyi.

Wararka ku soo dhacaya warqabadka GO ee Kismaayo ayaa sheegaya in shan askari shilkaas ku geeriyoodeen sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Asarkata dhaawaca ah oo xiligan lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo waxaa ku jira qaar xaaladoodu halis tahay.

Dhanka kale waxaa socda qorshe ku aadan sidii dhaawacyada qaarkood loogu soo qaadi lahaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Sanad walba tiro gaadiid ah ayaa ku rogmada dalcadda Luglow maadaama ay tahay  mid joog ahaan dhulka aad uga dheer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM