​Kismayo: Nin horay uga tirsanaa Shabaab oo la dilay

Image

KISMAYO- Waxaa maanta abaaro 02:30pm saacadda Afrikada Bari magalada Ksimayo xarunta maamulka Jubbaland lagu dilay, nin horay uga tirsanaa kooxda Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray  Sheekh Cabdullaahi Dalab, wuxuuna muddooyinkii dambe la shaqaynayay maamulka Jubbaland.

Xaafadda Calanlay gaar ahaan isgoyska Istaar ayaa mallayshiyo xubaysan oo goobta ka baxsatay ku toogteen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay, balse wuxuu ka ag dhawaa xukuumadda, mana jrin wax xil ah oo uu hayay.

Ninkan ayaa ururkaasi kasoo goostay muddo hore, wuxuuna joogay magalada Kismayo.

Dallab, ayaa ahaa Sheekh, wuxuu sidoo kale ahaa dadka Gabya ee aadka ugu wanaagsan gudbinta fikradda uu wado.

Xogo badan ayuu ka hayay qaabka ururka Shabaab u shaqeeyaan, waxaana la sheegay inuu dowladda ka caawin jiray arrimaha ku aadan mallayshiyaadkaasi.

Toogashadan ayaa lagu soo beegay xilli maanta maydad katirsan ururka Shabaab lagu soo bandhigay magalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaasi oo lagu laayay howgal xalay ciidamo gaar ah ka fuliyeen Buulo-gaduud oo qiyaastii 30KM dhinaca Waqooyi ka xigta xarunta gobolka Jubbada hoose

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM