Kismayo oo lagu soo bandhigay maydadka saraakiil katirsan Shabaab

Image
Image
Image

KISMAYO- Howlgal si wadajir ah u fuliyeen ciidamo gaar ah oo katirsan kuwa dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, ayaa lagu dilay xubno sar-sare oo katirsan ururka Shabaab kuwaasi oo maanta lagu soo bandhigay magaalada Kismayo xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay ilaa 16 katirsan kooxda Shabaab iyo saddex sarkaal oo ku jiro ninkii ururkaasi u qaabilsanaa dhinaca Kenya.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Buulo-gaduud oo ilaa 30KM dhinaca Waqooyi kaxigta magalada Kismayo, waxaana weerar lagu qaaday fariisin mallayshiyadaasi ku lahaayeen deegaankaasi.

Saraakiisha dagaalkaasi lagu dilay, waxaa ku jira nin lagu magacaabo Maxamed Maxamud (Dul-yaddayn), kaasoo xarakada Shabaab u qaabilsana Waqooyi Bari Kenya, wuxuuna u xilsaarnaa qaabka dagaalyahannada ururkaasi loo galiyo dalka Kenya.

Wuxuu ahaa muwaadin dalkaasi kasoo jeeda islamarkaan aad u kala yaqaanay gobolka Waqooyi Bari, isagoo kamid ahaa saraakiisha sar sare ee kooxdu ku tiirsanayd.

Horay ayay u raadinaysay dowladda Kenya, wuxuuna kasoo qayb qaatay weeraro dalkaasi laga fuliyay.

Sidoo kale howlgalka ka dhacay Jubbada hoose, waxaa lagu dilay labo sarkaal oo kale, waxaana magacyadooda lagu sheegay Macallin Isxaaq,oo ururka Shabaab u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada iyo nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan, kaasi oo ahaa saraakiisha kooxdaas ee gobollada Jubbooyinka.

Waxaa sidoo kale magaalada Kismayo lagu soo bandhigay qaar kamid ah maydadka kooxda xalay lagu dilay howlgalka ka dhacay Buulo-gaduud.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli maamulka Jubbaland uu horay u sheegay inuu gobollada uu kataliyo ka sifeyn doonaan kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM