Kismayo: Qarax lala beegsadey xero ciidamada lagu tabobaro

Image

22 August, 2015 (GO)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee caasumada Jubbaland ayaa sheegaya in qarax culus uu ka dhacay xero ciidamada maamulkaasi lagu tabababaro.

Qaraxaan ayaa la sheegayaa inuu yahay mid lagu soo xiray gaari noociisa yahay NOHA, kadibna xerada lala beegtey irrida hore ee xerada la yiraahdo Madhamaato.  Xilliga qaraxaanu dhacey ayaa wararku sheegayaan in ciidamadu ku jireen tababrkooda.  

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaasi oo soo gaaray ciidamada Jubbaland ee tababarka u taagnaa.

Saraakiisha Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inaysan bixin karin wax faah-faahin ah oo ku aadan qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo.

Wararka dambe ee Garowe Online kala soco khasaaraha qaraxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM