Kooxda Al-Shabaab oo dishay sarkaal taageeray Daacish

Image

22 November, 2015(GO)-Waraka aynu ka helnay dadka degaanka iyo ilo kale ayaa xaqiijinaya in weerar gaadmo ah oo maleeshiyada ururka Al-Shabab ay ka gaysteen duleedka tuulada Guduudey lagu dilay afar qof oo uu ka mid ahaa Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi oo horey uga mid ahaa saraakiisha ururka Al-Shabab.

Sheekh Xuseen Cabdi Geedi iyo xubnaha kale ayaa la sheegay inay taageereen ururka Daacish ciidamana ay urursanayeen. Wararku waxay intaas ku darayaan in Sheekh Xuseen uu ahaa hoggaamiyaha maleeshiyada ka baxday Al-Shabab ee taageerada u fidisay Daacish.

Hore waxa uu ninkaasi usoo noqday Ku Xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe ee ururka Al-Shabab. Sidoo kale waxa uu Al-Shabab uga soo shaqeeyey magaalada Kismaayo.

Faahfaahin badan lagama hayo afarta qof ee kale ee la dhintay Sheekh Xuseen Cabdi Geedi..

Xigasho:VOA

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM