Kooxda IS oo duuliyihii nolosha ku gubtey iyo Jordan oo ka jawaabtey

Image

February 4, 2015 (GO)- Dowladda Jordan ayaa goor hore oo saaka ah toogatey labo qof oo ku eedeysnaa falal argagixiso, kadib markii shalay oo Talaado ahayd la shaaciyey video muujinaya duuliye dalkaas u dhashay oo kooxda Daacish (IS) isagoo nool ay dab qabadsiisey.

Duuliyaha oo lagu magacaabi jirey Moaz al-Kassasbeh , wuxuu kooxdaas gacanta u galay bishii December ee lasoo dhaafay, xilligaas oo lasoo ridey diyaarad dagaal oo duuliyaasi wadey qaybna ka ahayd kuwa quwadaha huwanta ee duqeymaha la beegsada fariisimaha kooxda IS.

Labada qof ee dowlada Jordan toogatey oo u dhashay dalka Iraq midkoodna ay haweeney tahay, horay ayaa dil loogu xukumay, waxaana lagu kala magacaabaa Sajida al-Rishawi iyo Ziad al-Karbouli. 

Kumannaan qof oo careysan ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada caasimada ah ee Amman, waxayna ka dalbadeed dowlada inay u aargudo duuliyaha sida arxan darrada ah loo diley.

Boqorka Jordan oo si kulul u dhaleeceeyey dilka:

Boqor Cabdallaha labaad ee Jordan ayaa dilka duuliyaha ku tilmaamay fal waxashnimo ah oo ka durugsan mabaadi'da saxan ee Islaamka iyo weliba bini aadamnimada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Moaz al-Kassasbeh ahaa geesi shahiiday isaga oo difaacaya dalkiisa iyo diintiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye. Boqorka Jordan ayaa dhanka kale ugu baaqay dadkiisa inay midoobaan meelna uga soo wada jeestaan la-dagaalanka argagixisada.

Dowlada Jordan ayaa horay ugu goodidey inay u aargudi doonto duuliye Moaz al-Kassasbeh kadib markii uu fashilmey wada-xaajood u socdey kooxda Daacish iyo xukuumada Amman kuna saabsanaa is-dhaafsiga maxaabiis ay kamid ahaayeen duuliyaha la gubey iyo haweeney jihaadiyad ahayd oo dowladda Jordan ay saaka toogatey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM