Kooxo dil iyo kufsi ka gaystay magalada Kismayo

Image

10 November, 2015(GO)-Kooxo aan haybtooda la aqoon ayaa kufsi iyo dil ka gaystay nawaaxiga magalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland.

Hal qof oo beeralay ah ayaa ku dhintay deegaanka Goobweyn oo dhaca duleedka Waqooyi ee magaladaasi, waxaana dilkan uu dhacay xilli habeenimo ah, isagoo ku sugnaa hoygiisa.

Kooxda dilka gaystay ayaa sidoo kale kufsi kula kacay dhawr haween ah, oo ku sugnaa goobtaasi.

Ilaa hadda kama aysan hadlin maamulka Jubbaland, lamana xaqiijin cidda ay ahaayeen shakhsiyaadka falkaasi gaystay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM