​Ku dhawaad 100 qof oo cudur aan la aqoon Jubbooyinka ugu geeriyooday

Image

MUQDISHU- Warar madax banaan oo laga helayo ilo caafimaad iyo goob joogayaal ku sugan gobollada Jubooyinka gaar ahaan Jubbada dhexe, ayaa sheegay in halkaasi ka dillaacay cudur aan la aqoon balse leh astaamo kala duwan kaasi oo galaaftay nolosha dad ku dhaw 100 ruux.

Xanuunkan ayaa soo ritay badi dadkii ku noolaa deegaanada Bu’aale, Salagle, Saakow iyo tuulooyinka ku dhow, waxaana caalamadihiisa lagu sheegay Shuban iyo Matag.

Madaxa kormeerka iyo qiimaynta hay'adda masiibooyinka Somalia Maxamuud Xasan, oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in cudurkan uu leeyahay khatar islamarkaana khasaaraha dhimashada kor u sii qaadi karo, sidaasi darteed loo baahanyahay in gurmad la sameeyo oo dowladda iyo hay'adaha caalamiga ah wax ka qabtaan.

“Cudurkan waxa uu leeyahay laba astaamood oo kala ah, shuban iyo matag, todobaadkii la soo dhaafay waxaa naloo soo sheegay in 100-qof ay u dhinteen, 20-kii saac ee aan soo dhaafnayna waxaa u geeriyooday cudurkaas 45-qof,” Ayuu yiri Maxamed Xasan.

Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in degmada Saakow oo kaliya 24-kii saac ee lasoo dhaafay inay ku geeriyoodeen 40 ruux halka shan kale u jiifsadeen.

Cudurkan oo horay deeganadaasi looga arag noociisa ayaa kusoo beegmaya xilli abaaro xooggan jireen gobolladaasi qaybtood ka jireen, lamana garanayo waxa uu xiriir la leeyahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM