​Ku dhawaad 30 ruux oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goor-dhaweyd qarax xooggan ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan goob aad u mashquul badan.

Warar hordhac ah oo Garowe soo gaaraya ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu qaaday maqaaxi aad u mashquul badan oo ku taalla is-goyska Kaawo Godey ee degmadaas, halkaasoo duhurradii ay isugu yimaadaan dadka ka ganacsada Jaadka.

Goob-jooge ku sugan halka Qaraxu ka dhacay ayaa GO, u sheegay in weerarkaas gaystay khasaaro laxaad leh, inkastoo aysan jirin cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah.

Balse saraakiil katirsan kuwa ammaanka oo goobta gaaray ayaa laga soo xigtay inay dhinteen ku dhawaad 30 qof.

Qarax ayaa loo adeegsaday gaari xamuul ah.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, balse waxaa loo badinayaa inay ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab.

Weerarkan ayaa lagusoo aadiyay xilli Al Shabaab ku goodisay inay dagaal la gali doonto dowladda uu hogaamiyo Farmaajo, xilli uu sheegay in dagaalka Al Shabaab lagusoo afmeero 2 sano.

Xaaladda Muqdishu ayaa kacsan tan iyo xil-wareejintii dhacday 16-bishan xilligaas oo weerar hoobiyaal ah lagu dilay saddex qof oo isku qoys ah kadib markii madaafiica lagu ganay Villa Somalia.

Shalay ayaa sidoo kale lagu dilay Afhayeenkii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb halka la dhawacay taliye ku-xigeen hore oo katirsanaa NISA.

Majirto ilaa imminka wax war ah oo kasoo yeeray dhinaca maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM