Kulan magaalada Garowe ku dhexmarey Gaas, Farole iyo Sharmaake

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kulan aan horey loo shaacin ayaa magaalada Garowe ku dhexmarey  Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, Madaxweynhii hore ee Puntland  Cabdiraxman Maxamad Farole , Ra'isal wasaare Cumar Candirashid Cali Sharmaake iyo Xildhibaan Jurile oo ka tirsan aqalka sare ee Barlamsnka Somalia.

Kulankaan oo ka dhacey aqalka madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ka dagan yahay magalaada Garowe ayaa inta uu socdey saxaafada dibada ka joogtey.

Wararka warsidaha GO ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wadahadalkaan diirada sarayey doorashada Somalia kuwaasoo la filayo in la soo afjaro dhamaadka Bisha December, 2016.

Wadahadalkaan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xili maanta maamulka Puntland soo afjarey doorashada xildhibanada aqalka hoose ee Barlamanka Somalia  kuwasoo xubnihii ugu dambeeyey ee ku tartamyey xubinimada aqalkaan la kala la doortey maalmihii 11-12 December, 2016.

Wadahaladaan ayaa sidoo kale siyaasiyiinta isugu timid sida Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Somalia iyo Ra'isal wasarihii hoe ee Somalia ahna xubin ka tirsan aqalka sare waxey yihiin musharaxiin u tartamaya xilka  Madaxweynaha Somalia kaasoo doorashadiisa la qabanayo dhamaadka Bisha December.

GAROWEONLINE ayaa idinka socodsiin doona hadaan warar dheraad ah ka helno kulankaan.

Related Articles

Xiisad Kacsan oo Koonfur Galbeed ka Taagan iyo Ciidamada DFS oo Magaalo oo La Wareegay

Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday hoggaamiye kale oo maamul goboleed oo hakiya xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 08:01AM

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM