Kulanka Axmed Madoobe iyo danjiraha Qadar oo la fahfaahiyey

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxtooyadda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay fahfaahin kaga bixisay kulan dhexmaray madaxweyne Axmed Madoobe iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar.

Danjire Xasan Xamza Asad iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan gaar ah waxay ku yeesheen Madaxtooyadda Jubbaland ee Kismaayo, waxaana goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin labada dhinac ka socday.

Sidda lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Villa Jubbaland, kulanka waxaa diiradda lagu saarey arrimo ay kamid yihiin dardargelinta mashaariic horumarineed oo uu ku jiro dayactirka garoomo diyaaradeed.

Hoos ka akhriso bayaanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad.

Safiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo Magaalada Kismaayo u yimid furitaanka Mashaariic Dowlada Qatar ay ka fulisay Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Masuuliyiin sidoo kale kasocda Hay’ada gargaarka Dalka Qatar iyo xubno kale.

Waxaa Madaxweynahu uu Safiirka uga mahad celiyay Adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland iyadoo la isku raacay in la dardar galiyo Mashruucyada dhiman ee mustaqbalka dhow waxaana ugu muhiimsan Adeegyada Caafimaadka Waxbarashada Beeraha iyo garoomada Diyaaradaha.


Qadar ayaa kamid ah dowladaha aadka ugu dhow Villa Soomaaliya uusan fiicneyn xiriirka kala dhaxeeya maamulka Axmed Madoobe oo dhowaan iska diidey aqoonsi ku meelgaar ah oo dowladda federaalka ah siisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM