Kulanka wadatashiga qaran ee ka socda Muqdishu oo la baajiyey

Image

Dec 14, 2015 (GO)- Shirkii wadatshiga qaran loogu magacdarey oo la filayey in maanta la qabto ayaa la baajiyey kadib markii madaxda Somalida ku heshiin waayeen qaabka loo soo xulayo xildhibaanada fariisanaya Barlamanka soo socda  sanadka 2016.

Xafiiska qaramada midoobey ee Somalia oo garwadeen ka ah kulankaan ayaa wararku sheegayaan inuu siinayo maanta madaxda Somalida iney ku gaaran go'aan mideysan oo laga soo saaro gunaanadka kulankaan.

Wararka ayaa sheegaya in ergeyga gaarka ah iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ku dhex wadaan dhexdhexaadin ay ku doonayaan in madaxada Somalida  ka gaaraan go'aan mideysan nidaamka loo qabanyo doorashada Somalia.

Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey Nicholas Key ayaa raadinaya in kulankaan kasoo baxo go'aan inta uusan ka tagin shaqada xafiiska.

Madaxda Somalida oo hadalo ka jeediyey shirkii lagu qabtey xalane 13 Dec, 2015 ayaa ku kala fogaa fikirkooda ku aadan qaabka loo qabano doorashada xildhibanaada sanadka 2016.

Kulankaan ayaa la qorsheynayaa in maalinta Talaadada dib ugu furmo xarunta Xalane ee magaalada Muqdishu hadii heshiis laga gaaro qodobada la isku hayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM