Kulanka wadatashiga qaran ee ka socda Muqdishu oo la baajiyey

Image

Dec 14, 2015 (GO)- Shirkii wadatshiga qaran loogu magacdarey oo la filayey in maanta la qabto ayaa la baajiyey kadib markii madaxda Somalida ku heshiin waayeen qaabka loo soo xulayo xildhibaanada fariisanaya Barlamanka soo socda  sanadka 2016.

Xafiiska qaramada midoobey ee Somalia oo garwadeen ka ah kulankaan ayaa wararku sheegayaan inuu siinayo maanta madaxda Somalida iney ku gaaran go'aan mideysan oo laga soo saaro gunaanadka kulankaan.

Wararka ayaa sheegaya in ergeyga gaarka ah iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ku dhex wadaan dhexdhexaadin ay ku doonayaan in madaxada Somalida  ka gaaraan go'aan mideysan nidaamka loo qabanyo doorashada Somalia.

Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey Nicholas Key ayaa raadinaya in kulankaan kasoo baxo go'aan inta uusan ka tagin shaqada xafiiska.

Madaxda Somalida oo hadalo ka jeediyey shirkii lagu qabtey xalane 13 Dec, 2015 ayaa ku kala fogaa fikirkooda ku aadan qaabka loo qabano doorashada xildhibanaada sanadka 2016.

Kulankaan ayaa la qorsheynayaa in maalinta Talaadada dib ugu furmo xarunta Xalane ee magaalada Muqdishu hadii heshiis laga gaaro qodobada la isku hayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM