Kulankii Kismayo uga socdey madaxda Somalida oo burburey

Image

January 16, 2016 (GO)- Kulankii magaalada Kismayo uga socdey madaxda Somalida ayaa burburey kadib markii la isku afgaran waayey in heshiis laga gaaro qodobkii ugu muhimsanaa ee ahaa in laga gudbo nidaamka 4.5. 

Maamulka Puntland iyo Jubaland ayaa diidey qorshihii ay ku adkeysteen xulafada siyaasdeed ee ka kooban dowlada Federaalka, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in la diyaarinayo qoraal guud ee lagu sameynayo balan kale aan waqtigeeda la sheegin. 

Kulankaan ayaa beesha caalamka ka maqneyd iyadoo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in madaxweyne Xasan Shiikh iyo xulafadiisa siyaasada diyaarinayaan kororsi aan waqtigiisa la sheegin. 

Dhinaca kale diplomaasi ka tirsan beesha caalamka oo la hadley Garowe online ayaa sheegey in suurtagal tahay in Somalia dib loogu celiyo nidaamkii la oran jirey Road Map mar hadii heshiis laga gaari waayey wadahadalada socdey.

GAROWEONLINE kala soco wararkii ugu dambeeyey kulankaas.

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM