Kumaandooska Soomaaliya oo qabtay qarax gaari iyo shaqsigii wadday

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa lagu waramay in Axada maanta ay koonfurta magaaladda Gaalkacyo ku qabteen gaari walxo qarxa lagu soo rakibay iyo shaqsigii wadday.

Sidda ay tibaaxayaan warbixinadda horudhac ah oo laga helayo saraakiisha ciidamadda oo ka gaabsatay in ay bixiyaan macluumaadyo dhameystiran oo la xiriira akhbaartaan, nooca gaariga waa NOAH.

Inkasta oo baaritaan ay ku socoto shaqsiga gacanta lagu soo dhigay, lama ogga bartilmaameedka weerarka iyo goobta lagu diyaariyey.

Eedeysanaha ayaa wajahaya su'aallo waydiin la xiriirta falka lagu soo xiray. Ma cadda hadii kadib loosoo bandhigi doono warbaahinta.

Ciidamada Danab oo Mareykanka uu tababaro ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen magaalada Gaalkacyo.

Xarunta gobolka Mudug ayaa dhanka waqooyi waxaa gacanta ku haysa dowladda Puntland, Koonfurna waa maamulka Galmudug.

Horaantii bishaan ayay ahayd kadib markii isla koonfurta Gaalkacyo lagu fashiliyey weeraro ay Al-Shabaab u maleegtay mas'uuliyiin sarre.

Tan iyo markii qarax lagu khaarijiyey gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, amniga Gaalkacyo ayaa kasoo fiicnaanayey sidii hore, waxaana labada maamul ay isku raaceen in ay kawada shaqeeyaan ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM