Ku-xigeenka Barlamanka oo ka hadlay Mooshinka [Dhagayso]

Image

28 August, 2015 (GO)-Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa wax laga weydiiyay halka uu marayo mooshinka ka dhanka ah Madaxwayn DFS Xasan Shiikh.

Mahad Cabdalla ayaa sheegay in mooshinkaasi loo gudbiyay baarlamaanka, balse aysan ku jirin ajandaha hadda horyaalla, sababta looga reebayna waxa uu ku tilmaamey inaysan caddayn eedaymaha loo haysto Xasan Sheekh.

"Arinkaasi baarlamanka weli ma hortaalo, waa in dadku nidaamkooda dib ugu noqdaan, arinkaas soo jeedinta ah xildhibaano ayaa keensaday xafiiska gudoonka ayayna taalaa, baarlamanka arintaasi lama horkeenin ajandahana ka mid ma ahan" Ayuu yiri Mahad Cabdalla.

Hadalkan ayuu ka sheegay guudomiye ku xigeenka barlamanka Somalia Mahad Cabdala Cawad kulan Su'aalo lagu weydiinayay oo ay qabatey Radio Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM