Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland oo ku noqdey Kismayo [ Dhageyso]

Image

05 September, 2015(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa dib ugu soo laabtey magalada Kismayo ee xarunta maamulkaasi, kadib safar qaadey dhawr bilood oo ugu maqnaa gobolka Gedo.

Fartaag oo ka hadlay waxa u soo qabsoomey intii uu ku sugnaa Gedo aya sheegey inay ku soo guuleysteen dhismaha maamulka gobolka Gedo, dib u hishiisiin loo sameyay bulshada halkaasi ku dhaqan iyo ka xoreynta ururka Al-shabaab ee qeyb ka mid ah Gedo.

"Waxaa kale oo aan ku mashquulsanayn dib u hishiisiin aan ka wadnay gobolka gedo, is fahamsiin bulshada dhexdeeda ah iyo gaarsiinta mabaada'a maamulka Jubbaland"ayuu yiri Fartaag.

Gen. Fartaag ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhaweynayo isbadalka ka dhacay kismayo intii u maqnaa, waxaana uu tilmaamey Caleema saarka madaxweynaha ka dib inaysan, inaysan taako ka mid ah dhulka Jubbaland ku sugnaan doonin ururka Al-shabaab.

Mar wax laga weydiiyay cabashooyin ka soo yeeraysa qaar ka mid ah masuuliyiintii xilka qaadista lagu sameyay gobolka Gedo ayuu sheegay inaysan dhag jalaq u siin doonin, maamulkii ay soo magacaabenna uu hawlgalo. 

Dhawaan ayaa la filayaa in magalada Kismayo lagu qabto caleema saarka maamulkaasi ka dib doorashadii Axmed Madoobe ee dhacday bishii aan soo dhaafney.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM