Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland oo ku noqdey Kismayo [ Dhageyso]

Image

05 September, 2015(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa dib ugu soo laabtey magalada Kismayo ee xarunta maamulkaasi, kadib safar qaadey dhawr bilood oo ugu maqnaa gobolka Gedo.

Fartaag oo ka hadlay waxa u soo qabsoomey intii uu ku sugnaa Gedo aya sheegey inay ku soo guuleysteen dhismaha maamulka gobolka Gedo, dib u hishiisiin loo sameyay bulshada halkaasi ku dhaqan iyo ka xoreynta ururka Al-shabaab ee qeyb ka mid ah Gedo.

"Waxaa kale oo aan ku mashquulsanayn dib u hishiisiin aan ka wadnay gobolka gedo, is fahamsiin bulshada dhexdeeda ah iyo gaarsiinta mabaada'a maamulka Jubbaland"ayuu yiri Fartaag.

Gen. Fartaag ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhaweynayo isbadalka ka dhacay kismayo intii u maqnaa, waxaana uu tilmaamey Caleema saarka madaxweynaha ka dib inaysan, inaysan taako ka mid ah dhulka Jubbaland ku sugnaan doonin ururka Al-shabaab.

Mar wax laga weydiiyay cabashooyin ka soo yeeraysa qaar ka mid ah masuuliyiintii xilka qaadista lagu sameyay gobolka Gedo ayuu sheegay inaysan dhag jalaq u siin doonin, maamulkii ay soo magacaabenna uu hawlgalo. 

Dhawaan ayaa la filayaa in magalada Kismayo lagu qabto caleema saarka maamulkaasi ka dib doorashadii Axmed Madoobe ee dhacday bishii aan soo dhaafney.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM