Ku-xigeenka Ra'isul wasaaraha Somalia" Wadahadalka Somaliland dib ayuu u bilaamayaa"

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Ra'isul wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Somalia ayaa sheegay inuu dib u bilaamayo wadahadal u dhaxeeya iyaga iyo maamulka Somaliland.

Carte ayaa tilmaamay wada-xaajoodku inuu salka ku hayo sidii maamulka Somaliland uga baaqsan lahaayeen gooni goosadka lana midoobo.

"Run ahaantii wada hadalada dib ayay u bilaabmi doonaan, markii 60-kii la isku darsamay, waxa ay ahayd mid ku bilowday qaab wanaagsan, marka runtii waxa ay u baahantahay in wada hadalka uu noqdo mid markale la isu keeno Somali weyn, oo aysan noqon mid lagu kala tega” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Dhawr jeer oo hore waxaa guul darraystay kulamo dhexmaray Dowladda Federaalka Somalia iyo maamulka Somaliland, waxaana fadhigii  u dambeeyay hareeyay khilaaf ku aadan cidda ka qayb galaysa wadahadalka labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM