Xukuumadda Somalia oo ka hadashay dufaanta El nino [Dhagayso]

Image

21 Octobar, 2015(GO)-Ku-xigeenka Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Carte oo warbaahinta kula hadlay shirka ka dhacay magalada Muqdishu ayuu ku sheegay in xukuumadda Somalia wado dadaalo looga hortagayo waxyeelada duufaanta El nino oo la sadaaliyay inay ka dhacayso Somalia.

Cumar Carte, ayaa xusay inay muuqato saan-saanta saadaalinta duufaanta maadama Muqdishu ka da’ayeen Roobab xiriir ah, wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay siyaasad cad oo arrintaasi wax looga qabanayo.

Dowladda Somalia ayuu tilmaamay inay wado soo magacaabista guddi heer qaran oo loo xilsaarayo duufaanta, wuxuuna xusay inay muhiim tahay sidii DFS, maamullada dalka iyo hay’adaha caalamiga ah iska kaashaadaan samata bixinta shacabka Somaliyeed.

Waxaa jira diyaar garow xooggan oo looga tabaabushaysanayo duufaanta El nino, taasi oo dhawaan la shaaciyay inay ku dhufanayso qaybo badan oo ka mid ah Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM