Labo qarax oo xalay iyo saaka Kismaayo ka dhacay

Image

November 10, 2014 (GO)- Waxaa saaka qarax lala beegsaday mid kamid ah gaadiidka dagaalka ciidamada ammaanka Maamulka Jubbaland oo marayey wadada Xaaji Jaamac ee xaafadda Faanoole.

Qaraxa oo noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog wuxuu dhacay waxyar kadib markii gaarigu dhaafay goobta miinadu ku duugneyd, mana jiro haba yaraatee wax khasaare ah oo qaraxaasi geystey.

Dhanka kale, waxaa qarax caynkan oo kale ah xalay lala eegtay gaari marayey xaafadda Guul-wade gaar ahaan agagaarka masjidka Xareed inkastoo qaraxaasi wax khasaare ah sababin.

Labada qarax ayaa jewi kacsan ka abuuray magaalada Kismaayo iyadoo ciidamada ammaanka bilaabeen hawlgalo lagu qabqbanayo dadka looga shaki sanyahay ku lug lahaanshaha ammaan darada.

Saraakiisha ammaanka maamulka Jubbaland kama aysan hadlin qaraxyadan oo kusoo aadaya labo maalmood kaidb markii dagaal khasaare badan geystey Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland ku dhex maray jaziiradda Kudhaa.

Ciidamada Maamulka Jubaland oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa wada hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga sifeynayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM