Labo wariye oo magaalada Berbera lagu xirey

Image

March 8, 2015 (GO)- Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta labo wariye ku xirey magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Labada wariye waxaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ka tirsan Royal TV iyo Mubaarak Cismaan Siciid (Nirig) oo isna ka tirsan Star TV.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi ayaa xaqiijiyey xarigga labada wariye balse faah faahin kama bixin sababta loo xiray isagoo kusoo koobay inay qaranka Somaliland dembi ka galeen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"labada wariye waa la xirey, dambiga ay galeen haddaad dooneysaan website-yada ka akhriya...qaranka Somaliland ayey dambi ka galeen" ayuu yiri.

Ku dhowaad labaatan wariye ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey lagu xiray deegaanno ka tirsan Somaliland, intooda badan wariyeyaashaas waxaa lagu xirey gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM