Maamulada Somalia oo lagu heshiisiinayo magaalada Kismayo

Image

Sept 13, 2015 (GO)- Madaxda dalka Somalia oo ay ku weheliyaan madaxda caalamka ayaa shir looga wadda hadlayo xalaada dalka, waxaa uu uga bilaamayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Kulankaan dhexmaraya dhinacyada Somalia iyo beesha caalamka ayaa fikirkiisa yimid kadib markii ay ka qayb galeen caleema saarka madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan "Madoobe" oo ka dhacday Kismaayo ee xarunta maamulkaasi.

Magaalada Kismayo oo dhamaan xaley inta badan wufuudii ka qayb gashey caleema saarka u hoydeen ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha Somalia, Ra'isal wasaaraha dowlada federalka, madaxda dowlada Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Koonfur galbeed.

Dhinac kale waxaa ku sugan Kismayo wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus, sarakiil ka socota urur goboleedka IGAD, Kenya iyo wadamada kale ee tageera dib u dhiska Somalia.

Kulankaan ayaa la damacsan yahay in lagu heshiisiiyo maamulada Puntland iyo Galmudug halka wadahadal laga dhexaburayo  Jubbaland iyo Koonfur galbeed ooo khilaaf ka dhexeeyo.

Beesha caalamka ayaa aaminsan in kulankaan yahay fursad looga wadahadli karo waxa laga yeelayo doorashooyinka 2016 islamarkaana la dhameeyo khilaafyada ujeeda badanta ah ee u dhexeeya siyaasiyiinta horboodaya waqtigaan maamulada Somalia ka jira iyo dowlada Federaalka.

Hadal haynta ugu badan magaalada Kismayo iyo Puntland ayaa ah wadahadalka la filayo in laga dhex bilaabo mdaxweyne Gaas iyo Cabdikarim Xuseen Guuleed.

Dowlada Puntland ayaa xukuumadeeda iyo barlamankeeda waxay horey go'aan ugu gareen ineysan aqoonsan maamulka Galmudug oo ay shegeen inuu Dastuurkiisa ku darsadey degaano ka tirsan gobolka Mudug.

Warsidaha Garowe Online ka filo warbixinaha kulankaan uga bilaabanaya maamulada Somalia iyo dowlada Federalaka magaalada Kismayo

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM