Maamulka Ahlusunna oo isaga baxay degmada Caabudwaaq

Image

11 September, 2015(GO)-Mamulka Ahlusunna ayaa isaga baxay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduuda xilli 08 September, 2015  magaaladaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.

Ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Ahlusunna ayaa isku horfadhiya haatan meel 18km u jirta degmada caabudwaaq, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale dagaal qarxo.

Goob jooge la hadlayay Garowe Online ayaa sheegaya in degmada Caabudwaaq isaga baxeen maamulkii Ahlusunna iyago ka qaatay dhammaan dhaawacyadoodii degmada ku sugnaa iyo wixii kale ee hanti ahayd.

Sida aan ka soo xiganayno goob joogayaal ku sugan degmada , waxaa Caabudwaaq soo gaarey ciidamo Ethopian ah balse aan weli fargashan dagaalka socda, waloow shalay ay ka soo baxeen goobihii ay kaga sugnaayeen degmada.

Maamulka Ahlusunna war ka soo baxay shalay ayaa lagu sheegay in dagaalka Caabudwaaq  gacan ku lahayd DFS iyagoo taageeraya ciidamo ka amar qaata maamulka Galmudug.

Dhinaca kale shirka golaha wasiirada Somalia ee Khamiistii ayaa lagu cambaareyay dagaalka Caabudwaaq, waxana DFS sheegtay inay taageersantahay maamulka Galmudug gacanna ka siin doonto sidii deegaanada maamulkaasi amni loogu soo dabaali lahaa.

Gobollada dhexe waxaa ka socda khilaaf xooggan oo u dhexeeya Ahlusunna  Waljamaaca oo horey uga talin jirtay qaybo ka mid ah gobollada dhexe iyo maamulka dhawaan lagu dhisay Cadaado ee Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM