Maamulka Ahlusunna oo xabsiga dhigay nin sheegtay Madaxweyne

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Maamulka Ahlusunna ayaa xalay xabsiga dhigay nin ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha gobollada dhexe ee dalka Somalia xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeey Galmudug iyo Ahlusunna.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Dhoodi ayaa shalay deegaanka Ceeldheer oo qiyaastii 30km u jirta magalada Dhuusamareeb ku shaaciyay inuu yahay Madaxweyne.

Ciidamo ka tirsan maamulkaasi ayaa tagay Ceeldheer, waxayna xabsiga dhigeen ninka sheegtay Madaxweynaha oo horay uga tirsan Ahlusunna, balse khilaaf soo kala dhexgalay awgiis uga baxay siyaasadooda.

Gobollada dhexe ee dalka Somalia, waxaa ka jira muran siyaasadeed oo u dhaxeeya maamulka Ahlusunna Waljamaaca iyo Galmudug, waxaana uu ku aadan khilaafkaasi cidda maamulaysa goboladda dhexe.

Maamulka Ahlusunna ayaa dhawaan Madaxweyne kaga dhawaaqay Dhuusamareeb ka dib doorashadii Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka dhacday degmada Cadaado. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM