Maamulka Dhuusamareeb oo eedeeyey ciidamada AMISOM

Image

DHUUSAMREEB, June 7,2015 2015 (GO)-Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb Sheekh Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda qorow) ayaa maanta eedeeyey ciidamada Ethiopia kadib markii maleshiyaadka Ahlu-sunah Wal Jamaca la wareegeen gacan ku haynta magaalada Dhuusamareeb.

Qorow ayaa sheegey in ciidmada Ethiopia oo ka tirsan AMISOM fadhiyeen duleedka Dhuusamreeb markii maleeshiyaadka Ahlu Sunah dowlada Federaalka ka qabsanayeen magaladaas.

Macalin Cabdullahi oo isna ah Guddoomiyaha Degmada ee Ahlu Sunna , ayaa sheegay inay magaalada gacanta ku hayaan.

Waxa uu sheegay in magaalada ay dib ugu noqdeen muddo lix bilood ah oo ay ka maqnaayeen Dhuusamreeb isagoo xusey in muddo todobo sano ah ee hore ka difaacayeen xoogaga Al-shabaab.

Gudoomiyaha Ahlu Sunah ee dagmadaas ayaa ku sababeeyay qab-sashada magaladaas kadib markii dadka deegaanka ka cawdeen dhibaatooyin iyo isbaarooyin u yaalay sida uu sheegay qeybo ka mid ah magaalada ciidamada dowladda, markaas oo shacabka codsadeen inay halkaasi tagaan si culeyska ay uga qaadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM