Maamulka Dhuusamareeb oo eedeeyey ciidamada AMISOM

Image

DHUUSAMREEB, June 7,2015 2015 (GO)-Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb Sheekh Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda qorow) ayaa maanta eedeeyey ciidamada Ethiopia kadib markii maleshiyaadka Ahlu-sunah Wal Jamaca la wareegeen gacan ku haynta magaalada Dhuusamareeb.

Qorow ayaa sheegey in ciidmada Ethiopia oo ka tirsan AMISOM fadhiyeen duleedka Dhuusamreeb markii maleeshiyaadka Ahlu Sunah dowlada Federaalka ka qabsanayeen magaladaas.

Macalin Cabdullahi oo isna ah Guddoomiyaha Degmada ee Ahlu Sunna , ayaa sheegay inay magaalada gacanta ku hayaan.

Waxa uu sheegay in magaalada ay dib ugu noqdeen muddo lix bilood ah oo ay ka maqnaayeen Dhuusamreeb isagoo xusey in muddo todobo sano ah ee hore ka difaacayeen xoogaga Al-shabaab.

Gudoomiyaha Ahlu Sunah ee dagmadaas ayaa ku sababeeyay qab-sashada magaladaas kadib markii dadka deegaanka ka cawdeen dhibaatooyin iyo isbaarooyin u yaalay sida uu sheegay qeybo ka mid ah magaalada ciidamada dowladda, markaas oo shacabka codsadeen inay halkaasi tagaan si culeyska ay uga qaadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM