Maamulka Galmudug oo soo bandhigey Maxaabiis laga qabtey Al Shabaab

Image
Image
Image
Image

GAALKACYO — Maamulka Galmudug, ayaa maanta soo bandhigay maxaabiis Al-Shabaab ah oo ay ku qabteen dagaal dhex maray ciidamada maamulka Galmudug iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo maxaabiistan kusoo bandhigay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaca ka qaaday in lagu soo qabtay dagaal Galmudug iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanada Bari ee gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka booliska Galmudug, Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb, ayaa sheegay in maxaabiistan ay qabteen ay yihiin 22, ayna u badan yihiin dhallinyaro aad u da’ ear, oo uu sheegay in lasoo qalday. Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed ayaa sheegay in marka laga reebo afar qof, dhammaan dhallinyarada la qabtay ay yihiin kuwo da’dooda ay ka yar tahay labaatan sano.

Wasiirka ayaa dhallinyarada Shabaab ugu baqay inay kasoo baxaan kooxda, isaga oo u ballan qaaday cafis iyo dhaqan-celin. Weriyaheena Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Gaalkacyo. 

VOA

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM