Maamulka Jubaland oo diidey ka qayb galka shirka Muqdisho

Image

JULY 27,2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamud oo booqasho ku tagey magaalada Kismayo maalintii shaley 26 July,2015 ayaa kala kulmey diidmo maamaulka uu madaxweynaha ka yahay madaxweynaha Axmad Madoobe.

Madaxweynaha Somalia oo kulan la qaatey madaxda maamulka Jubaland ayaa ka codsadey iney kaso qayb galaan shir July 29,2015  uu damacsan yahay in magaalada Muqdisho ugu qabto maamulada iyo dowladaha qaybta ka ah dowlada Federaalka ah.

Warar warsidaha Garowe Online ka helayo kulankaas ayaa sheegaya in maamulka uu madaxda ka yahay Axmad Madoobe uu diidey ka qayb galka kulankaas iyadoo aan xal loo helin xalinta khilaafka u dhexeeya dowlada Federaalka iyo Jubland.

Maamulka Jubland ayaa xiriirka u jarey dowlada Federaalka kadib markii barlamanka fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho sheegey in uu sharci daro yahay Barlamanka mamaulka Jubaland.

Dhinaca kale madaxweynaha Somalia oo ay ku weheliyeen qaar ka tirsan wakiilada beesha caalamka u qaabilsan arrimaha Somalia safarkiisa ayaa magaalada Kismayo tababar uga furey ciidamo qayb ka noqanaya dhismaha ciidamada qaranka Somalia.

Booqashada madaxweyne Xasan Shiikh ayaa diirada saareysay in maamulka Jubaland ku qanciyo Jubalnad iney kasoo qayb galaan kulanka Muqdisho iyadoo meesha laga saarayo diidamada Puntland.

Dowlada Puntland ayaa horey u qaadacdey ka qayb galka kulankaas iyadoo warar aan la xaqiijin sheegaayaan in qaybo ka tirsan beesha caalamka cadaadis ku saartey madaxweyne Gaas inuu kasoo qayb galo kulanka Muqdisho.

Diidamada ka qayb galka kulanka Muqdisho ayaa waxa ay dhabarjab ku tahay madaxweynaha Somalia oo olole ugu jira sidii qorshe siyaasadeed looga gaari lahaa qaabka ay u dhaceyso doorashada la filayo iney dhacdo 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM