Maamulka Jubaland oo xil-ka qaadis ku sameeyey Maareeye

Image

Talaado, Sebtember 30, 2014 [GO]- Wareegto maanta kasoo baxdey xafiiska wasaarada warfaafinta, isgaarsiinta iyo gadiidka cirka ee maamulka Jubbaland ayaa xilla ka qaaday Maareeyihii garoonka diyaaradaha Kismaayo Mudane Carab Axmed Cali waxaana loo magacaabey Cabdiqaadir Cabdulaahi Maxamed.

Munaasabada ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta, boostada, isgarsiinta iyo gaadiidka Mudane Ibraahim Maxamed Aadan (Baajuun) halka dhinaca kale Maareyaha cusub warbaahinta u sheegey hawlaha horyaal isagoo u mahad celiyay maamulkii ka horeeyay ee shaqada waday.

Sidoo kale Maxamed Ismaaciil dhuxuloow ayaa loo magacabay taliyaha ammaanka garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Munaasabadaan ayaa ka dhacdey hoolka shirarka garoonka diyaaradaha Kismaayo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM