Maamulka Jubbaland oo ka hadley khasaaraha dagaalka Kudhaa

Image

Axad, November 9, 2014 [GO]- Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay dagaalo ka dhacay shalay Jasiirada Kudhaa oo ay gacan ku haynteeda la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in dagaalka shaley dhacey kaga geeriyoodeen ciidamada maamulka Jubaland 15 askari halka uu jiro dhaawac gaaraya 19 askari.

Seeraar ayaa sheegay dagaalka ciidamooda markii hore iska-difaaceen in muddo ahna uu socdey balse ismiidaamin ka dhacday gudaha difaacyada keentay khasaaro lixaad leh ciidamada maamulka soo gaara ayna baneeyaan degaanka Kudhaa.

Afhayeenka maamulka Jubabalnd ayaa ku eedeeyay ururka al-shabaab inay laayeen tirro dad shacab ah oo kor u dhaafeysa 18 qof kuwasoo la isir soocay lana weydiinayay qabiilkooda.

Dadka la laayay ayaa u badnaa ganacsato iyo dad makhaayado laga cunteeyo ku lahaa Jasiirada.

Dhanka kale diyaarad siday dhaawacyo gaaraya 30 ruux ayaa maanta duushay garoonka diyaaradaha magalada Kismaayo ayadoo ku wajahneyd magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug dhaawacyadaan ayaa lagu keeney magaalo madaxda Jubaland doonyo.

Ciidamada maamulka iyo cutubyo lagu biiriyey ayaa ku sugan duleedka Kudhaa waxaana la filan karaa dagaal dhaca goor walba.

Ilo ka madax bannaan maamulka oo ku sugan Kudhaa ayaa GO u xaqiijiyay in khasaaraha dhimasho ee shalay labada dhinac gaarayaan ku dhawaad 57 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM