Maamulka Jubbaland oo ka hadley khasaaraha dagaalka Kudhaa

Image

Axad, November 9, 2014 [GO]- Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay dagaalo ka dhacay shalay Jasiirada Kudhaa oo ay gacan ku haynteeda la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in dagaalka shaley dhacey kaga geeriyoodeen ciidamada maamulka Jubaland 15 askari halka uu jiro dhaawac gaaraya 19 askari.

Seeraar ayaa sheegay dagaalka ciidamooda markii hore iska-difaaceen in muddo ahna uu socdey balse ismiidaamin ka dhacday gudaha difaacyada keentay khasaaro lixaad leh ciidamada maamulka soo gaara ayna baneeyaan degaanka Kudhaa.

Afhayeenka maamulka Jubabalnd ayaa ku eedeeyay ururka al-shabaab inay laayeen tirro dad shacab ah oo kor u dhaafeysa 18 qof kuwasoo la isir soocay lana weydiinayay qabiilkooda.

Dadka la laayay ayaa u badnaa ganacsato iyo dad makhaayado laga cunteeyo ku lahaa Jasiirada.

Dhanka kale diyaarad siday dhaawacyo gaaraya 30 ruux ayaa maanta duushay garoonka diyaaradaha magalada Kismaayo ayadoo ku wajahneyd magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug dhaawacyadaan ayaa lagu keeney magaalo madaxda Jubaland doonyo.

Ciidamada maamulka iyo cutubyo lagu biiriyey ayaa ku sugan duleedka Kudhaa waxaana la filan karaa dagaal dhaca goor walba.

Ilo ka madax bannaan maamulka oo ku sugan Kudhaa ayaa GO u xaqiijiyay in khasaaraha dhimasho ee shalay labada dhinac gaarayaan ku dhawaad 57 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM