Maamulka Jubbaland oo toogtay ciidamo dil gaystay

Image

18 September, 2015(GO)-Maamulka Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fuliyay 7 ka tirsan ciidamada maamulkaasi ka dib markii lagu helay inay gaysteen dilka labo qof oo shacab ah.

Maxkamadda ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la horkeenay 10 ka mid ah ciidamada maamulkaasi, waxaana lagu riday xukunno kala duwan.

Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed (Qamdariiran) oo warbaahinta u akhriyay go'aamada, ayaa sheegay in ciidamada la soo eedeeyay 7 ka mid ah lagu xukumay til doogasho ah, halka saddexda kale lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah.

Ciidamada maanta la xukumay ayaa ayaa shalay dil u gaystay 2 qof oo shacaba ah kuwaasi lagu dilay magalada Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM