Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka baxay shirka Cadaado

Image

June 29, 2015 (GO)- Xilli uu gabagabo ku dhow yahay shirka Cadaado ee maamulka loogu dhisayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug, ayaa waxaa shirkaas isaga baxay ergadii maamulka Ximan iyo Xeeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ximan iyo Xeeb, Maxamed Xuseen ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in sababta ku kalliftay inay shirkaas ka baxaan ay tahay kadib markii Dowladda Federaalku shirka afduubtey, islamarkaana laga weeciyey jidkii saxda ahaa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in ergadii Ximan iyo Xeeb u ruuqaansadeen dhanka degmada Dhuuso-mareeb, si ay uga qayb galaan shirka Ahlu Sunna iclaamisey ee maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe.

Tallaabadan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dhismaha maamulka (Gal-Mudug), maadaama ay horay shirka  Cadaado uga baxeen Ahlu Sunna Waljamaaca oo iyagu xilligan wada qorshe lagu dhisayo maamul ka madax bannaan midka Cadaado ee Dowladda Federaalku ay dabada ka riixeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM