​Maamullo lagu celiyay liiska Aqalka Sare ee ay soo gudbiyeen [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia ayaa dib u celiyay liiska xubnaha Aqalka Sare oo ay soo gudbiyeen maamullada dalka qaybtood, waxayna sheegeen inaan la waafajin hishiisyadii madasha.

Maamullada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa lagu celiyay xubnihii ay soo gudbiyeen, waxaana guddigu ka codsaday inay waafajiyaan qorshayaashii lagu hishiiyay.

Waxay sheegeen inaan lagu muujin qoondada haweenka, iyagoo codsaday in muddo labo maalmood ah dib lagusoo saxo arrintan.

Guddigu waxay u mahadceliyeen maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo ay sheegeen inuu meel saaray qoondada dumarka.

Waxaa go'aankan oo soo baxay 09 October, 2016, lagusoo beegay xilli walaac ay muujinayeen qaar kamid ah dumarka Somaliyeed oo u arkayay in madaxda maamul goboleedyadu hareer mareen hishiisyadii lagu isku afgartay.

Lama oga sida go'aankan u dhaqan gali doono iyadoo mar kale madaxda Somalidu ku shiri doonaan magaalada Muqdishu.

Dadka odorasa siyaasadda Somalia, ayaa tallaabooyinka kasocda magaalada Xamar u arka inuu yahay qorshe dib u dhac loogu samaynayo doorashada waddanka Somalia lagu wado inay ka dhacdo sannadkan dabayaaqadiisa.

Majirto, waxa war ah oo kasoo baxay maamullada lagu celiyay liiskan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal culus iyo qaraxyo gaadiid ah kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Moqokori

Waa degmadii labaad oo dowladda laga saarey tan iyo horaantii sanadkan, taasoo dhabar-jab ku ah maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 01:23PM

Maraykanka oo laga yaabo inuu wadahadallo la furo Al-Shabaab

Ujeeddada kulamadaas, ayuu sheegay, waa in la ilaaliyo danaha Maraykanka iyo in shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 07:20AM