​Maamullo lagu celiyay liiska Aqalka Sare ee ay soo gudbiyeen [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia ayaa dib u celiyay liiska xubnaha Aqalka Sare oo ay soo gudbiyeen maamullada dalka qaybtood, waxayna sheegeen inaan la waafajin hishiisyadii madasha.

Maamullada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa lagu celiyay xubnihii ay soo gudbiyeen, waxaana guddigu ka codsaday inay waafajiyaan qorshayaashii lagu hishiiyay.

Waxay sheegeen inaan lagu muujin qoondada haweenka, iyagoo codsaday in muddo labo maalmood ah dib lagusoo saxo arrintan.

Guddigu waxay u mahadceliyeen maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo ay sheegeen inuu meel saaray qoondada dumarka.

Waxaa go'aankan oo soo baxay 09 October, 2016, lagusoo beegay xilli walaac ay muujinayeen qaar kamid ah dumarka Somaliyeed oo u arkayay in madaxda maamul goboleedyadu hareer mareen hishiisyadii lagu isku afgartay.

Lama oga sida go'aankan u dhaqan gali doono iyadoo mar kale madaxda Somalidu ku shiri doonaan magaalada Muqdishu.

Dadka odorasa siyaasadda Somalia, ayaa tallaabooyinka kasocda magaalada Xamar u arka inuu yahay qorshe dib u dhac loogu samaynayo doorashada waddanka Somalia lagu wado inay ka dhacdo sannadkan dabayaaqadiisa.

Majirto, waxa war ah oo kasoo baxay maamullada lagu celiyay liiskan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM