Maareeye "Barri waa maalinta calanka Somalia, hala wayneeyo" [Dhagayso]

Image

11 Octobar, 2015(GO)-Wasaaradda warfaafinta Somalia ayaa ku dhawaaqday in la xoojiyo weynaynta maalintii la taagay calanka Somalia oo ku beegan Barri 12 Octobar taasi oo ay ka soo wareegtay 61 sano.

Wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo lahadlay warbaahita Muqdishu ayaa sheegay in shacabka Somali-yeed laga doonayo inay sameeyaan isu soo baxyo waawayn.

"Dowlada Somali-yeed  dhamaan shacabkeeda waxay ku wargalinaysaa inay nagu soo food leedahay sanad guuradii 61-aad ee calanka Somalia, calanku waa astaanta ugu saraysa ee dal waliba uu leeyahay, hadaba waxaan ku boorinaynaa in la wayneeyo maalintan" Ayuu yiri Maareeye.

12-ka October 1954-tii waxay ahayd markii ugu horaysay ee la taago calan uu leeyahay dalka Somalia, hadda waxaa laga jooga 61 sano, waxaana maalintaasi dalka ka dhacay xusas ballaaran oo lagu muujinayo muhiimadda ay leedahay 12 Octobar.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM