Macalin ka tirsan Jaamcada SIMAD oo qarax lagu dhaawacay

Image

January 7, 2014 (GO)- Macallin wax ka dhiga jaamacada SIMAD ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay xaafada Taleex oo ka tirsan degamada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa sida lagu soo waramayo ka dhashay bam horay loogu sii xiray gaariga.

Macalinka oo lagu magacaabo Cabdixakiim, dhaawac culus ayaa soo gaaray, waxayna wararka hordhaca ah ee xaaladiisa caafimaad laga helayaa sheegayaan in luguhu ka go'een.

Mas'uuliyada weerarka weli cidi ma sheegan, haseyeeshee Al-shabaab ayaa horay u sheegtay qaraxyo caynkan oo kale ahaa oo lagu laayey mas'uuliyin dowlada ka tirsanaa.

Bil kahor waxaa isla degmada Hodon lagu toogtey Ibraahim Maxamuud Xaamud oo ka tirsanaa maamulka sare ee Jaamacada SIMAD.

Jaamacadda SIMAD oo kamid ah kuwa ugu waaweyn magaalada Muqdisho waxaa gudoomiye kasoo ahaan jirey Xasan Sheekh Maxamuud kahor intaan loo dooran madaxweynaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM