Macalin ka tirsan Jaamcada SIMAD oo qarax lagu dhaawacay

Image

January 7, 2014 (GO)- Macallin wax ka dhiga jaamacada SIMAD ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay xaafada Taleex oo ka tirsan degamada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa sida lagu soo waramayo ka dhashay bam horay loogu sii xiray gaariga.

Macalinka oo lagu magacaabo Cabdixakiim, dhaawac culus ayaa soo gaaray, waxayna wararka hordhaca ah ee xaaladiisa caafimaad laga helayaa sheegayaan in luguhu ka go'een.

Mas'uuliyada weerarka weli cidi ma sheegan, haseyeeshee Al-shabaab ayaa horay u sheegtay qaraxyo caynkan oo kale ahaa oo lagu laayey mas'uuliyin dowlada ka tirsanaa.

Bil kahor waxaa isla degmada Hodon lagu toogtey Ibraahim Maxamuud Xaamud oo ka tirsanaa maamulka sare ee Jaamacada SIMAD.

Jaamacadda SIMAD oo kamid ah kuwa ugu waaweyn magaalada Muqdisho waxaa gudoomiye kasoo ahaan jirey Xasan Sheekh Maxamuud kahor intaan loo dooran madaxweynaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM