Macallin dhigayey dugsi Qur'aan oo xalay Muqdisho lagu diley

Image

March 22, 2015 (GO)- Macallin dugsi Qur'aan dhigayey ayaa xalay lagu diley degmada Dharkeynley ee magaalada Mqudisho.

Labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo warramayaa inay macallinka ku toogteen meel u dhow gurigiisa kadibna goobta ka baxsadeen.

Dhaawac ahaan ayaa loo geeyey isbitaalka Madiina, halkaasoo markii dambe uu ku geeriyoodey.

Laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkeynley ilaa iyo hadda wax war ah arintan kama soo saarin.

Waa macallinkii labaad ee muddo asbuuc gudihiis ah toogasho lagu dilo. March 18 ayey ahayd markii nin macallin ahaa sidan oo kale loogu toogtey degmada Beledweyn.

Dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa bishan March aad hoos ugu dhacay, waxaana taas loo sababeynayaa hawgallada ammaanka Muqdisho lagu sugayo oo todobaadyadii u dambeeyey la xoojiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM