Macaluul ba'an oo laga soo sheegayo degmada Waajid [Dhageyso]

Image

WAAJID Jan 22,2015 [GO]- Gobolka Bakool ayaa magaalooyin ka tirsan waxaa laga soo sheegayaa macaluul ba'an kadib marki wadooyinkii raashinka loo marin lahaa xireen kooxda ururka Al-shabaab.

Salaad Maxamed Ibrahim oo Idacada Radio Garowe wax  ka waydiisay dad qaxooti ah oo ka yimid Woqoyi Bari ee dalka Kenya waxaa uu sheegay in 4 xero ay uga sameeyeen dadkaas degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

4,200 qoys ayaa Ibraahim sheegay in degmada Waajid duleedkeeda xiligan ku suganyihiin isagoo xusey in dadkaasi ay soo wajahday dhibaatoyin
kala duwan sida nafaqo daro.

Salaad oo dhinaca kale sheegay in dadkaasi meel cuno loo soo mariyo aysan jirin isagoo xusey in kooxda Al- Shabaab go'yeen wadooyinkii cuntadu usoo mari lahayd.

Ururka Al-Shabaab oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federaalka ka saareen magaalooyinka ku yaala Koonfurta Somalia ayaa gacanta ku haya dhulka baadiyaha ah kuwaasoo cunaqabateeyey kusoo rogey inta badan degaanadii laga xoreeyey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM