​Machadka Heritage "Ha la saxo hishiiska doorashada"

Image

Warbixin uu soo saaray Machadka Heritage ee ka faallooda arrimaha siyaasadda Somalia, ayaa looga hadlay hanaanka loo marayo doorashada dalka ka dhacaysa 2016 iyagoo  codsi u jeediyay xubnaha golaha shacbiga Somalia.

Heritage, ayaa saluug ka muujisay qaabka loo dhigayo hanaanka doorashada, taasoo ay tilmaameen inay awood badan siinayso madaxda maamul goboleedyada, halka doorka haweenka sheegeen inuu qiil qiil galayo.

Machadka, ayaa Barlamanka Somalia ka codsaday inay saxaan habka doorashada Somalia iyagoo soo jeediyay in hanaankan uusan ku haboonayn marxalada kala guurka iyo doorashada daba yaaqada sannadkan dhici doonta.

Agaasimaha Machadka Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo la hadlay VOA ayaa xusay in la dhimo awoodda la siiyay siyaasiyiin uu sheegay inay yihiin badankooda murashaxiin, islamarkaana wax u dhimi karaan hanaanka dimuqraadiyadda ee la doonayo in loo gudbo.

Arrintan ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan madaxda Somalia iyo maamul goboleedyadu ku hishiiyeen hanaanka loo marayo doorashada soo socota shir ka dhacay magalada Muqdishu, waxaase dadka siyaasadda falanqeeya iyo xubno ka agdhow Heritage sheegayaan inay u ololeynayaan sidii mar kale madaxweyne Xasan Sheekh talada ugu soo noqon lahaa maadama xulufo siyaasadeed yihiin.

Machadkan, waxaa horay madax uga ahaa wasiirka Qorshaynta Somalia Cabdiraxmaan Caynte Somalia, taasoo marag ka ah arrimaha lagu tuhmayo.

Puntland oo 4.5 muddo diidanayd, ayaa asbaabihii ay ku qaadatay, waxaa kamid ahaa qodobadan ku xusan hanaanka doroashada Somalia 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM