Madasha Xisbiyada Qaran oo baaq iyo digniin kasoo saartey deyn cafinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhaweysay in Soomaaliya ay gaartay barta go'aan qaadashada ee deyn cafinta ayaa sheegtay in hadii la joogteeyo dib-u-habeynta la gaari karo gunaanadka.

Go'aankii IMF iyo Bangiga Aduunka ay 25-kii Maaj ku shaaciyeen in Soomaaliya ay gaartay barta go'aan qaadashada ayay xustay in uu dalka kusii dhaweynayo in barta dhamaadka ayna tahay guul weyn oo la gaarey.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayay uga mahadceliyeen dhameystirka geedi-u-socodka mudada badan soo socday, wallow uusan wali dhamaan.

Shariif Sheehkh Axmed, hogaamiyaha madashan ay ku mideysan yihiin lix xisbi siyaasadeed, ayaa  sheegay xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay ay si adag uga shaqeeyeen geedi-u-socodka qaandhaafka.

Bangiga iyo Hay'adda Lacagta Aduunka ayuu ku bogaadiyey dedaalka ay ku bixiyeen in Soomaaliya ay ka gudubto mushkiladan hortaala.

Midowga Yurub, Norway, Talyaaniga iyo Ingiriiska ayay madashu ku ammaantay maalgelinta ay ku sameeyeen deyn-cafinta Soomaaliya. Wadamada ayaa bixiyey qeyb kamid ah 4.5 bilyan ee lagu leeyahay waddanka.

Walaac iyo eedeyn

Gaarista barta go'aan qaadashada ayaa kaga dhigan Soomaaliya in ay heleyso dhaqaalo badan oo maalgelin ah, taas oo lagu xoojinayo horumarka.

Sidda ku cad qoraalka, madashu ayaa waxay ka walaacsan tahay in dowlada madaxweyne Farmaajo aysan dalka gaarsiin karin barta gunaanadka, "sababtoo ah in ay guulaha la gaarey u adeegsaneyso hub ahaan".

Intaas waxaa wehlisa, waxay ka walaacsan yihiin in Nabad iyo Nolol dhaqaalaha la helo ay u adeegsato gaarista "hadafyo siyaasadeed". Deynta baaqiga ku ah Soomaaliya waxaa iska leh dalalka ku midoobey Paris Club.

Madaxweyne Farmaajo, ra'iisul wasaare Khayre iyo wasiirka maaliyadda, Cabdiraxmaan Bayle, ayay ku eedeeyeen in ay marin-habeebiyeen dadka, "markii barta go'aan qaadashada ay ka dhigeen in la dhaafay deyn oo idil".

Iyaddoo si siman loogu qeybinayo maamulada, madasha ayaa hay'adaha caalamiga ah iyo saaxiibada caalamka ku boorisay in maalgelinta cusub ay xaqiijiso qoondada mashaariicda bini'aanimada sida ka jawaabida Covid-19.

Digniinta doorashooyinka

Wallow aan wali lagu heshiin nidaamka lagu gelayo, Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in ay doorasho ka qabsoonto sanadka soo aadan ee 2021.

Bayaanka madasha ayaa soo jeediyey in dhaqaalaha cusub ee maagelinta ah la xaqiijiyo in aan loo adeegsan coddeynta si looga fogaado musuqmaasuq iyo maamul xumo maaliyadeed.

Saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayay sheegeen in dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku howlaneyd siddii ay labin uga heli lahayd doorashooyinka iyo cabsi-gelinta mucaaradka.

Gabagabadii, waxay hoosta ka xariiqeen in ay si dhow ula socon doonan dhaqdhaqaaqa xukuumadda jirta ee ku wajahan maalgelinta cusub "maadaama aysan jirin hay'addo dowladeed oo la xisaabta Laanta Fulinta ee waddanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM