Madasha Xisbiyada Qaran oo shaacisay mowqifkeeda shirka Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda ku aadan wada-xaajoodyadda Jabuuti uga furmay dowladda federaalka iyo Somaliland.

Sidda ay sheegeenin ay soo dhawenayeen, haddana waxay soo jeediyeen "in la ballaariyo oo talada laga qayb galiyo daneeyeyaasha siyaasadda, Xisbiyada iyo ururrada bulshada".

"Madashu waxay walaac ka muujineysaa wadahadalladan lagu soo aaddiyay waqti uu gabaabsi yahay muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna ka digeysaa in loo isticmaalo dano siyaasadeed iyo olole doorasho," ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso bayaanka

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku soo koobtay 5 qodob mowqifkeeda ku aaddan shirkii Djibouti ee wada xaajoodka dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madasha Xisbiyada Qaran waxay ugu horreyn si guud u soo dhaweysay in dib loo billaabo wada xaajoodka lala galayo Somaliland oo hakad ku jiray seddexdii sano iyo barkii uu talada dalka haayay Madaxweyne Farmaajo.

MXQ waxay soo jeedisay in wada xaajoodka la ballaariyo oo talada laga qayb galiyo daneeyeyaasha siyaasadda, Xisbiyada iyo ururrada bulshada.

"Madashu waxay walaac ka muujineysaa wadahadalladan lagu soo aaddiyay waqti uu gabaabsi yahay muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda Federaalka
Soomaaliya, waxayna ka digeysaa in loo isticmaalo dano siyaasadeed iyo olole doorasho," ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran.

Gunaanadka Madasha Xisbiyada Qaran waxay ku talisay in wixii hadda ka dambeeya guddiyada farsamada ee loo xil saaray wada xaajoodka labada dhinac horey u sii diyaariyaan ajendeyaasha la doonayo in hoggaamiyeyaasha iska arkaan.

BAYAANKA OO WARQAD AH


Wadahadaladda Jabuuti waxaa soo qaban-qaabiyey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, halka Mareykanka uu ka ahaa korjoogto, iyaddoo ay martigelisay Jabuuti uuna shir gudoomiyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM